QM oo ku howlan sidii ay Xafiisyo uga furan laheyd Gobolada Soomaaliya

Beydhabo (KON) - Barqanimadii maanta ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Beydhabo ka dagay wafuud ka socata Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicholas Kay Xafiiskiisa Muqdisho, iyadoona ay Garoonka ku soo dhaweyeen Maamulka Gobolka Baay.
Warar Keydmedia Online
QM oo ku howlan sidii ay  Xafiisyo uga furan laheyd Gobolada Soomaaliya

Soo dhaweynta wafuudaasi kadib ayaa Kulan balaaran waxaa uu dhexmaray Maamulka Gobolka Baay iyo Wafuudaani ka socatay Qaramada Midoobe, waxaana looga hadlay arimo dhowr ah oo la isku af gartay.

Arimaha kulankaani ay Maamulka iyo Wafuudaani ka wada hadleyn ayaa ka mid ahaa sidii Xafiis ay Qaramada Midoobe uga furanlaheyd Gobolka Baay, iyadoona ay Maamulka Gobolka Baay soo dhaweeyeen Arinkaani.

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa u muuqda mid wax weyn ka badalaya qaabkii ay u shaqeynayeen  Ergayda kale ee ka soo shaqeynayay arimaha Soomaaliya ee ka socday Qaramada Midoobe, taasoo lagu dareemayo Xilliga uu xilka la waregay iyo arimaha uu ku dhaqaaqay ee ah in uu xafiisyo ka furto guud ahaan Gobolada Dalka Soomaaliya.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho