Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka furmay shirka wada tashiga doorashooyinka oo u dhaxeya heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.
DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Shirkaan ayuu dhawaan ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, kadib cadaadis kaga yimid beesha caalamka, waxaana kasii horreyay baaq ay soo jediyeen Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbalad, kuwaas oo ku baaqay in shir wada tashi ah la isugu yimaado Magaalada Muqdisho.
Sida ay ogtahay Keydmedia Online, waxyaabaha shirkaan looga hadlayo waxaa ugu muhuumsan Afar arrimood oo waaweyn, oo kala ah, xaaladda Gobalka Gedo, soo xulidda xildhibaanada Gobalada Waqooyi, Guddiga Doorashooyinka dadban iyo 13-ka Kursi ee Aqalka sare ee lagu sheegay mataladda Gobalka Banaadir.
Gobalka Gedo: Tan iyo markii ay bilaabatay xaaladda Gobalka Gedo, waxa ay ahayd mid aan xal laga gaarin waxaana maslaxad walba diidanaa Farmaajo oo doonaya in Gobalkaas uu unug u noqdo boobka uu doonayo inuu ku sameeyo doorashada dalka. Hadda xaalku sidii hore maaha, waqtiguna wuu dhamaaday, waxay u muuqataa in Madoobe iyo Farmaajo ay si dhab ah u gorfeyn doonaan xaaladda Gedo, waxayna noqon kartaa dhowr arin middood.
Xildhibaanada Gobalada Waqooyi: Arrintaan waa xaalad kale oo masiiri ah, waxayse u muuqataa in aan la siin muhiimadda ay leedahay, siyaasiyiinta ka soo jeeda Soomaaliland waxaa sharci ahaan ugu sarreeya Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi, Farmaajo ayaana u diiday in uu ka qeyb galo shirka Dhuusamareeb, inkastoo Dani iyo Madoobe yooyootan adag gali doonaan arintaan, hadana ma muuqato in maqaamkii ay lahayd la marsiiyay, haddi ay wufuud kale ku kororto shirka waa macquul in arintan wax iska badalaan.
Farmaajo, wuxuu huteelada Xamar ku xareeyay siyaasiyiin kasoo jeeda Soomaaliland oo uu doonayo inuu ka dhigo Xildhibaanada ka imaanaya Gobalada Waqooyi, xaaladda ka taagan is mari waaga Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Farmaajo waxay ahaan doontaa xaalad taagan haddii uusan shirku ballaaran oo aan madaxda hadda ka qeyb galeysa kuwo ka duwan aysan soo xaadirin.
Guddiga Doorashooyinka dadban: Mid kamid ah is mari wagga ugu adag wuxuu ka jiraa guddiga uu Farmaajo magacaawday ee ka yimid DF, iyo maamullada taabacsan taas oo ay ka hor yimaadeen Midowga Musharixiinta, arrintaan waxay u muuqtaa in Farmaajo tanaasuli doono, oo Siyaasiyiinta mucaaradka loo ogolaan doono in ay soo gudbiyaan liiska xubnaha ay diidan yihiin.
13 Kursi ee Gobalka Banaadir: Arrintaan waa olole uu Farmaajo ugu tala galay doorashadiisa mana muuqato waddo uu gobalka Banaadir ku heli karo 13 kursi oo ka tirsan Aqalka Sare iyadoo aan la helin maqaam uu gobolku yeeshu, Xubnaha Aaqalka Sare waxaa soo doorta Baarlamaanka Maamul Goboleedyada sida sharcigu qabo, sidaas darraadeed maadaama uusan gobalka Banaadir ahayn Maamul Goboleed, isla markaana uusan lahayn Gole degaan oo wax doorta 13-ka kursi waxa ay u muuqdaan kuwo aan lagala soo laaban doonin Shirka Dhuusamareeb.
Waqtiga Doorashada, muddada sharciga ah ee Farmaajo oo dhamaatay, xurgufta ka dhaxeysa qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada, waqti kordhin, is Casilid, iyo xaalad kasta oo la xariirta doorashooyinka ayaa si adag looga hadli doonaa.
Keydmedia Online, waxa ay xasuusaneysaa in Saaxiibada beesha caalamka ay sheegeen in aan waxba laga baddali karin heshiiskii lagu gaaray Muqdisho bishii September, hayeeshee KON ayaa fahansan in Beesha Caalamku ay soo dhaweyn doonto, haddi qodobo heshiis lagu yahay oo loo dhan yahay lagu gaaro shirkaan.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments