Qodob kamid ah jadwalka doorashadda oo la dhameystiray

Tababar saddex maalin u socday xubnaha gudiyadda doorashadda, ayaa maanta lasoo gaba-gabeeyay.

Warar Keydmedia Online
Qodob kamid ah jadwalka doorashadda oo la dhameystiray

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya C/xakiin Xasan Ashkir ayaa tababar usoo xiray Maanta gudiyadda doorashooyinka dalka, oo dhawaan lasoo dhisay.

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa tababarka furay 30-kii June, isagoo markaas kula dardaarmay gudiyadda inay iska dhex-doortaan hogaan hufan, kana shaqeeyaan doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda.

Khubaro Soomaaliya iyo ajnabi ah ayaa bixinayay Tababarka gudiyadda oo isagu jira Heer Federaal, Heer Maamul Goboleed iyo xalinta Khilaafaadka, kuwaasoo ay ku dhex jiraan xubno katirsan NISA, shaqaalaha dowladda iyo taageeriyaasha Farmaajo, waana 33 shaqsi oo ka haray liiskii Musharixiinta [Halkan ka akhri].

Guddiyada Doorashooyinka ayaa waxaa la filayaa inay dhawaan ay guda galaan howlaha doorashooyinka ee loo igmaday, waxaana la diiwaan-gelin doonaan Musharixiinta kuraasta labada Golle ee Baarlamaanka, oo ka kooban Gollaha Shacabka [275] iyo Aqalka Sare [54].

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.