Qodobadii lagu heshiiyay 17-ka May oo wax laga baddalayo

Sida lagu wado waxaa la filayaa in golaha wadatashiga qaran ay shir ku yeeshaan magaalada Muqdisho, haddaba waxaa la qorsheynayaa in shirkaasi wax looga baddalo qodobadii lagu heshiiyay 17-kii May

Warar Keydmedia Online
Qodobadii lagu heshiiyay 17-ka May oo wax laga baddalayo

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka uu iclaamiyay Ra'isulwasaare Rooble oo ay isugu imaanayaan madaxda dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa la filayaa in isbadal lagu sameeyo qaar kamida qodobadii la isku raacay heshiiskii 27 May sida ay ogaatay Keydmedia Online. 

Ilo ku dhaw-dhaw xubnaha shirka ka qeyb galaya ayaa sheegaysa in la qorsheynayo in lasoo koobo deegaan doorashada lagana dhigo hal magaalo, halka markii hore loo qorsheeyay in dowlad goboleed kasta laba magaalo oo kamida lagu qabto doorashada.

Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in la qorsheynayo in la yareeyo tirada Ergada oo lagu celiyo 51 Ergo, halka heshiiskii 17 -ka September uu ahaa 101 ergo. mudda doorashada lagu qabanayo ayaa iyana la gaarsiin doonaa ilaa 90 cisho maadaama muddadii hore ee heshiiskii 27 -ka May ay dhaqan gali waysay, waqti badan oo kamidana aan waxba la qaban.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa gadaal ka riixaya wax ka badalidda qodobkan ku aaddan in lasoo koobo deegaan doorashada, maadaama labada madaxweyne ay wajahayaan culeys kaga imaanaya doorashada labada magaalo ee Baladweyne iyo Garbahaarey.

Lama oga tallaabada uu qaadi doono Farmaajo haddii arrintaan lagu dhaqaaqo, iyadoo ay xusid mudantahay in uu aad uga soo horjeeday in Axmed Madoobe maamulo doorashada kuraasta Garbahaarey.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.