Qodobkii koobaad ee jadwalka doorashooyinka oo hirgalay

Tababar shan maalin soconaya ayaa Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federal iyo heer Dowlad goboleed maanta uga billawday magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Qodobkii koobaad ee jadwalka doorashooyinka oo hirgalay

MUQDISHO, Soomaaliya – Sida ku cad qodobka koobaad ee jadwalka doorashada, ay shalay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran, maanta ayaa loo asteeyay in uu furmo tababarka Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federal iyo heer Dowlad goboleed, kaas oo socon doona 30-ka June iyo 5 July 2021.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa guddiga u daahfuray tababarka, wuxuuna kula dardaarmay in ay si daahfuran oo caddaalad ah u maamulaan howsha doorashooyinka ee loo igmaday.

Baaritaan ay Keydmedia Online sameysay ayey ku ogaatay in qaar ka mid ah xubnaha guddiga ay yihiin shaqaalo Dowladeed iyo taageerayaal muxaafid, halka mucaaradka laftooda xubno loogu daray guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo Heer dowlad goboleed.

Farmaajo ayaa ku leh guddigaan xubnaha ugu badan, Golaha Midowga Musharixiinta ayaana ku kala jabay habkii looga falcelin lahaa isku shaandheyntii ay sameeyeen Guddi heer Wasiiro ah, oo Rooble u xilsaaray turxaan-bixinta xubnaha muranku ka jiray.

Inkastoo la aaminsan yahay in guddigaan uusan ku tayo dhamayn midkii hirgaliyay doorashooyinkii 2016-2017, hadana waxaa muuqda in loo ogolaaday in ay howshooda qabsaaan, waxaana lagula taliyay in ay caddaalad ka shaqeeyaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.