Qof loo qabtay dilka gabar reer Burco ah

Shacabka Burco ayaa aad u hadalhaya gabadhan la dilay.

Warar Keydmedia Online
Qof loo qabtay dilka gabar reer Burco ah

Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan dilka gabar dhallinyaro ah, taasi oo xalay lagu dilay magaaladaasi.

Gabadhan la dilay ayaa lagu magacaabayey Ugbaad Cali, waxaana la sheegay in meydkeeda laga helay bartamaha magaalada, waxaana ka muuqday rasaas.

Ciidamada ayaa baaritaan ku haya ninkan lasoo qabtay, si loo hubiy inuu yahay gacan ku dhiiglaha.

KEYMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.