Qof Shacab ah oo lagu dilay Xarun Shirkad Isgaarsiineed

Dilka kadib, Ciidamada Booliiska Degmada ayaa Xarunta tagey, waxayna halkaasi ka qaadeen Maydka qofka la dilay. Lama oga in la xiray Askartii falka geystay iyo in kale.

Warar Keydmedia Online
Qof Shacab ah oo lagu dilay Xarun Shirkad Isgaarsiineed

MUQDISHO, Soomaaliya - Dil ayaa ka dhacay Caawa Degmada Yaaqshid ee Gobalka Banaadir kaasoo loo geystay qof shacab ah.

Askarta ilaalada amniga Xarun Shirkadda Hormuud laanta Suuq-bacaad ayaa lagu soo warramayaa inay gudaha xaruntaasi ku dileen qof dhar shacab ah watay oo u xirnaa Toorreey.

Ruuxa dilka loo geeystay, ayaa la sheegay inuu ka dhega adeegay inuu Mindida uu watay uu iska dhigo, sidaasna ay Askarta katirsan Hormuud Telecom ku dileen, sida ay sheegeen dadka Goobjooga ahaa.

Dilka kadib, Ciidamada Booliiska Degmada ayaa Xarunta tagey, waxayna halkaasi ka qaadeen Maydka qofka la dilay. Lama oga in la xiray Askartii falka geystay iyo in kale.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 August 2021 11:58

Waxaa la rumeysan yahay in Jibriil Saciid Cali Xuseen, ay gacantiisa ku maqan yihiin dad kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankood la khaarijiyay kadib markii la isku fahmi waayay lacagihii ay Al-Shabaab u codsadeen madax-furashada.