Qofkii boobka Farmaajo ku taageera isaguu la mid yahay

Warsame, oo u muqday inuu farriin u dirayo xubno ay muddo dheer isku saf ahaayeen oo hadda taageeray boobka doorashada, ayaa hoosta ka xariiqay in shaqsigii qaada jidka qaldan ee Farmaajo jeexay uu isaga la mid yahay.

Warar Keydmedia Online
Qofkii boobka Farmaajo ku taageera isaguu la mid yahay

MUQDISHO, Soomaaliya – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah xubnaha midowga Musharixinta ee ku baaqay in la hakiyo doorashada boobka ku billaabatay, isla-markaana iclaamiyay shir weyne qaran, ayaa farriin u diray shaqsiyaadka Farmaajo ku raacay dhaca kuraasta baarlamanka 11aad ee JFS.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta, wuxuu Farmaajo ku eedeeyay inuu ku fashilmay dhamaan wajibaadkii shaqo ee saarnaa muddo xileedkii dhamaaday, kuna tuntay dhaqankii siyaasadeed ee dalka lagu maamulayay tan iyo 2000.

“Afartii sano ee muddo xileedka maamulkiisa iyo ku dhowaad sanad sharci darrida ah, Farmaajo Dastuurkii dalka ma qabyo tirin, doorasho qof iyo cod ahna ma qaban, 4.5 lagama gudbin, Somaliland lama heshiinin, Al-Shabaab lagama adkaanin, AMISOM lagama maarmin, welina beesha caalamka ayaa biilka bixisa”. Ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu ku sii daray, “dhaqan siyaasadeedkii suubbanaa ee sanadahan lagu soo dhaqmayey ee ahaa in afartii sano doorasho si nabad xilka lagula kala wareego, waa diiday oo boob iyo fowdo ayuu u wadaa”.

Warsame, oo u muuqday inuu farriin u dirayo xubno ay muddo dheer isku saf ahaayeen oo hadda taageeray boobka doorashada, ayaa hoosta ka xariiqay in shaqsigii qaada jidka qaldan ee Farmaajo jeexay uu isaga la mid yahay.

Wuxuu xusay in qofka boobka kuraasta u xaaleeya uu isaga ka sii daran yahay danbi ahaan, hayeeshee, qofka ka dhiidhiya hannaanka hadda wax ku socdaan uu yahay shaqsi u hiilliyay dadka, degaanka dhibaatadu ku dhaceyso iyo dalka burburka lala doonayo.

“Boobka doorashada waa wado uu Farmaajo jideeyey, qofkii ku raacana isaguu la mid yahay, qofkii maxlal iyo malxiisa ka noqda ka daran, qofkii hor istaagana dulmi iyo burbur ayuu diiday”. Ayuu yiri.

Dhawaan wareysi uu bixiyay, wuxuu muujiyay in ay jiraan xubno mucaarad ah oo aan ku baraarugsaneyn khatarta muuqata, wuxuuna caddeeyay in sidaas oo kale, ay jireen qaar kale oo hore u diiddana in Farmaajo muddo kordhin doonayay muddo dheer, hayeeshee, mar danbe baraarugay.

Hadalka hoggaamiyaha Wadajir, ayaa la rumeysan yahay inuu ku socdo Madaxweynihii hore Sheekh Shafiir oo taageeray boobka doorashada iyo Horjoogayaasha Jubbaland iyo Puntland, oo qeyb ka ah boobka kuraasta Golaha shacabka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.