Qoorqoor ma qaadi doonaa jidkii laftagareen?

Qoorqoor ayaa la filayaa inuu dhawaan soo saaro liiska musharixiinta u tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS, waxaaa lasoo warinayaa inuu durba cagta saaray jidkii uu maray Lafta-gareen.

Warar Keydmedia Online
Qoorqoor ma qaadi doonaa jidkii laftagareen?

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa wajahaya cadaadiskii ugu adkaa tan iyo markii uu yimid Xaafiiska ugu sarreeya Galmudug, kaas oo salka ku haya soo magacaabidda musharixiinta u tartamaya kuraasta Aqalka Sare.

Qoorqoor oo saaxiib dhow la ah Farmaajo, si weyna xiriir ula leh Taliyaha NISA Fahad Yaasiin, ayaa la soo warinayaa inuu quudareynayo qaadidda jidkii uu maray Laftagareen oo ah inuu tartanka Kuraasta Aqalka Sare ka reebo shakhsiyaadka miisaanka culus ku leh siyaasadda.

Xubnaha Galmudug u matalaya Aqalka sare ayaa ka kooban 8 xubnood oo kala ah;

  1. Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) - Beesha Saleebaan Habargidir.
  2. Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid - Beesha Sacad H/gidir
  3. Jawaahir Axmed Cilmi - Beesha Cayr H/gidir
  4. Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) - Murusade
  5. Yuusuf Geelle Ugaas - Beesha Duduble
  6. Zamzam Daahir Maxamuud - Beesha Waceysle
  7. C/waaxid Cilmi Goonjeex - Beesha Mareexaan.
  8. Abuukar Axmed Xaashi - Beesha Dir.

Sida ay Xog ku heshay Keydmedia Online, Qoorqoor, wuxuu durba liiska ka saaray dhowr murashax oo ay ka mid yihiin Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagay) iyo Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) oo ahaa odayaal si weyn uga qeyb qaatay dadaalladii uu Madaxweyne uga noqday Galmudug.

Sidoo kale, wuxuu tartanka ka hor istaagay Zamzam Daahir Maxamuud, oo ka mid ah ahayd Xildhibaannadii uu soo saaray Xasan Sheekh Maxamuud, doorashadii 2016.

Mid ka mid ah labada kursi ee ugu adag, guud ahaan doorashooyinka Aqalka sare ee yaalla Galmudug, ayaa ah midka uu hadda ku fadhiyo Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), isla-markaana uu isku soo sharraxay Madaxweynihii hore ee GM Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).

Cabdi Qaybdiid oo garab ka helaya kooxda Farmaajo, kana faa’iideysanaya saaxiibtinimada kala dhaxeysa Madaxweyaha Maamulkaas, ayaa Qoorqoor ku cadaadinaya inuu tartanka ka reebo MW Xaaf, kaligiisna loo daayo kursiga Aqalka sare ee Beesha Sacad.

Hayeeshee, Xaaf oo dhowr jeer ka hadlay muuqbaahiyaha ayaa Qoorqoor uga digay qaadidda tallaabo qaldan, wuxuuna boor musharraxnimadisu ku caddahay ku dhajiyay iridda laga galo Madaxtooyada Galmudug.

Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) oo ahaa sanatarkii ugu horreeyay ee loo doortay Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, sanad doorasheedkii hore, ayaa dhankiisa laga yaabaa inuu iska dhex waayo musharixiinta uu soo gudbin doono Qoorqoor.

Madaxweynayaasha Maamullada Koofur galbeed iyo Jubbakand, ayaa shaqsiyaad gaar ah u xiray doorashoyinka Aqalka Sare ee Maamulladaas, waxaana la filayaan in Qoorqoor cagta saaro wadadii Lafta-gareen, oo ah inuu kaliya soo sharaxo tartamayaal ay soo gudbisay Madaxtooyada Soomaaliya.

KEYDMEIDA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.