‘Qoor Qoor’ iyo Deni oo kulan gaar ah yeeshay

Madaxweyne 'Qoor Qoor' ayaa xalay hoyga uu Muqdisho ka deganyahay madaxweynaha Galmudug ku booqday, iyagoona kulan gaar ah yeeshay. 

Warar Keydmedia Online
‘Qoor Qoor’ iyo Deni oo kulan gaar ah yeeshay

MUQDISHO, Soomaaliya - madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdish, kaasoo looga hadlayay arrimo guud iyo kuwa gaar ah.

Kulankaan ayaa ka dhacay hoyga madaxweynaha Galmudug, kadib markii uu booqasho ugu yimid madaxweyne Deni, waxaana diiradda lagu saaray arrimo ay isku hayaan labada hogaamiye oo ay ka qeyb ka yihiin ka maqnaashiyihii madaxweyne Deni ee shirkii Dhuusamareeb 3.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa la sheegay in uu ka garaabay ka maqnaashiyaha gogosha shirkii Dhuusamareeb 3 oo ay Galmudug fidisay, taasoo si weyn uga carooday madaxweyne 'Qoor-qoor' inkastoo labada hoggaamiye siyaasad kala geysay.

Sidoo kale kulankaan ayaa looga hadlay shirkii dowladda iyo madaxda maamulada uga furmay magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayo arrimaha doorashada iyo in laga gaaro heshiis wada ogol laga yahay.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.