Qoor-qoor oo af-duubay Baarlamaanka Galmudug

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cali, oo ka mid ah Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Madaxda Maamulka ku eedeeyay in ay albaadaba isugu dhufteen Xaruntii Baarlamaamka Galmudug.

Warar Keydmedia Online
Qoor-qoor oo af-duubay Baarlamaanka Galmudug

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Fadhiyadii Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa xiran muddo lix bil ka badan, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cali Ciise ayaana madaxda Maamulka ku eedeeyay in ay af-duubeen  Golihii Baarlamaanka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cali, ayaa sheegay in qorshu ahaa in kala fadhiga saddexaad ee Baarlamaanka Galmudug uu furmo bishii Oktoobar ee sanadkii hore, hayeeshee aan taasi ka suura galin Guddoonka Golaha oo ku Milan laanta fulinta.

Xildhibaanka ayaa masuuliyad darro weyn ku tilmaamay in ay meesha ka baxday guud ahaan hay’addii la xisaabtanka hay’adaha kale oo xitaa aysan ku dhawaad todob bilood kulmin guddiyadii joogtada ahaa ee Baarlamaanka.

“Bishi Oktoobar ayay ahayd in Kala fadhiga baarlamaanku uu furmo, ilaa hadda oo ku dhow todobo bilood, wax kala fadhi ah ma jiraan, haddii baarlamaanka weyn uu furmi waayana waxay ay ahayd in guddiyada joogtada is arkaan, runtii iyana ma dhicin”. Ayuu yri xildhibaan Cabdiraxmaan.

Degaannada Maamulka ayaa intooda badan la daalaa dhacaya amni darrada joogtada ah ee Al-Shabaab, waxaana inta badan Xarunta maamulka ka maqan Madaxda uu ugu horeeyo Madaxweyne Qoor-qoor.

Qoor-qoor, oo Farmaajo ku fariisiyay kursiga Madaxweynaha ayaa ka shaqeeya kaliya danaha Farmaajo iyo soo laabashada maamulka uu hadda waqtigu ka dhamaaday ee Dowladda Fadaraalka hoggaamiya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.