NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Qorshaha ayaa ahaa in guddiga doorashada ee dhanka Galmudug wax uu ka bedalo.
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Kaariye Qoor Qoor ayaa u muuqda mid balantii uga baxay madasha musharraxiinta, kadib markii uu ammar ku bixiyey in tababar loo xareeyo guddiga doorashada ee heer Galmudug.
Qoor Qoor ayaa horey ugu sheegay madasha musharraxiinta in uu wax ka bedali dooni xubnaha guddiga doorashada, hase ahaatee xalay saqdhexe ayuu ammar ku bixiyey in guddiga tababarka ay ka qeybgalaan, laguna xareeyey hotelka Peace.
Markii hore wuxuu damacsanaa Madaxweynaha Galmudug in tababarkan aanay gelin guddigan si wax looga bedalo, laakiin go'aanka ayaa si lama filaan ah isku bedalay.
Hadda waxa uu tababar u soconayaa xubnaha guddiyada doorashada ee Galmudug, Hirshabelle, K/galbeed iyo min Saddex xubin oo DFS ku biirisay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments