Qoor-qoor oo casha sharaf u sameeyay mucaaradka

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoor-qoor’ ayaa caawa guriga uu ka dagan yahay Muqdisho casha sharaf ugu sameeyay xubno ka tirsan Midowga Murashixiinta iyo Madaxweynaha HirShabeelle.

Warar Keydmedia Online
Qoor-qoor oo casha sharaf u sameeyay mucaaradka

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Galmudug Axmed ‘Qoor-qoor’ ayaa maanta ku soo laabtay dalka kadib safar dhowr todobaad ah oo uu ku maqnaa dalka Turkiga.

Qoor-qoor ayaa billaabay kulamo siyaasadeed oo xooggan, saacado kadib markii uu ka soo degay Muqdisho, wuxuuna galabta kulamo kala duwan la qaatay danjiraha Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Yamamooto iyo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan.

Madaxweynaha Galmudug ayaa caawa isugu yeeray Madaxda Mucaaradka, wuxaana laga wada hadlay xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha la isku mari la’yahay ee doorashooyinka.

Sawirada laga soo qaaday kulanka waxaa ka soo muuqday MW, Xasan Sheekh Maxamuud, RW Xasan Cali Kheyre, hoggaamiyaha Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Daahir Maxuud Geelle, MW, Hirshabeelle, Cali Guudlaawe iyo madax kale, waxaana sidoo kale kulanka gadaal uga biray MW, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Qoor-qoor ayaa safar deg deg ah oo aan hore loo qorsheyn xalay kaga soo ambabaxay Turkiga, ilo xog ogaal ah oo Keydmedia Online xiganeyso ayaa sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya isku dayday in ay Qoor-qoor ku qanciso in uusan soo bixin hayeeshee uu ka biya diiday.

Madaxweynaha Galmudug, ayaa hore kaga cawday, xushamad darro uu Farmaajo ku sameeyay Shirkii Dhuusamareb 4, iyo hadalkii ahaa in Siciid Deni qoray heshiiskii 17kii September Madaxda kalana iska fiirsanyeen.

Qoor-qoor oo lagu tiriyo madaxda Farmaajo taabacsan ayaa hadda la warinayaa inuu jiro qilaaf soo kala dhex galay isaga iyo xubno ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.