‘Qoor-Qoor’ oo furay Kalfadhiga 2-aad ee Barlamaanka Galmudug

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye 'Qoor-Qoor' ayaa Xalay furay Kalfadhiga labaad ee Gollaha Wakiillada Maamulka Galmudug, munaasabad ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb. 

Warar Keydmedia Online
‘Qoor-Qoor’ oo furay Kalfadhiga 2-aad ee Barlamaanka Galmudug

Munaasabadaan oo ay goobjoog ahaayeen Gudoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Sanataro iyo Wasiiro ayaa ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb. 

Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa khubad uu ka jeediyey munaasabada ku soo bandhiga qorshayaasha horyaala baarlamaanka 2-aad ee Galmudug.

'Qoor-Qoor' oo mubaasabadda ka khudbeeyay ayaa iftiimiyay muhiimada la dagaalanka Argagixisadda Al-Shabaab iyo Burcad badeedda.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale Baarlamaanka ugu baaqay in ay meel mariyaan Hindisi sharciyeedka lagu dhisayo ciidamo ka hortaga Kaluumeysiga sharci darada ah. 

Xildhibaanada Galmudug ayaa waxa ay qaateen fasax dheer.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.