Qoor Qoor oo ka badbaaday isku day dil

Diyaaraddii uu la socday Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa ka bad baaday weerar gantaalada lidka diyaaradaha oo loo adeegsaday diyaaradda uu la socday, sida Keydmedia Online ay ogaatay. 

Warar Keydmedia Online
Qoor Qoor oo ka badbaaday isku day dil

MUQDISHO - Soomaaliya: Macluumaad ay Keydmedia Online ka heleyso ilo xog ogaal ah oo ku dhaw dhaw xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxay noo xaqiijiyeen in galabtay diyaaraddii uu la socday madaxweyne Qoor Qoor oo ka duushay magaalada Dhuusamareeb ay isku dayeen in kooxda Al-Shabaab ay soo ridaan, waxay u adeegsadeen lidka diyaaradaha iyagoo isku dayay in ay khaarajiyaan Qoor-Qoor.

Mid kamida dadkii saarnaa diyaaradda kana mid ahaa wafdiga Madaxweynaha ayaa Keydmedia Online u sheegay in mar qura ay ka war heleen dhawaqa rasaas xooggan oo dhowr nuuc ah, taasoo lagu soo ganay diyaaradda, balse waaxda duulista rayidka ayaa ku war galisay duuliyaha in ay maqleen rasaas nuucyo kala duwan, iyagoo ku amray in uu jihada badalo.

"Nasiib wanaag waxba nama gaaranin diyaaraddiina waxay si nabada ku timid magaalada muqdisho inkastoo safarkii maanta uu ahaa mid cabsi badan" sidaa waxaa yiri mid kamida saraakiisha safarka Madaxweynaha qeybta ka ahayd oo KON la hadlay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sameysay isku daygii ugu horreeyay ee ay ku doonayaan in ay ku khaarajiyaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, sidoo kale waa isku daygii koowaad ee diyaarad rakaab lagu doonayay in dhulka lagu soo dhigo taasoo ay leedahay shirkadaha ka shaqeeya dalka Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.