Qoor-Qoor oo ka hadlay doorashadii Dhuusamareeb

Qoor-Qoor ayaa lagu eedeeyay inuu qaab aan hufnayn usoo xulay liiska Musharixiinta Aqalka Sare.

Warar Keydmedia Online
Qoor-Qoor oo ka hadlay doorashadii Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa u hambalyeeyay Senatarada lagu doortay Maanta magaaladda Dhuusamareeb, kuwaasoo Galmudug ku matelaya Aqalka Sare, ee Baarlamaanka 11-aad.

Qoraal uu soo saarey ayuu uga mahadceliyay Baarlamaanka iyo Gudiyadda doorashadda sida habsamida leh ay u qabteen codbixinta, taasoo ay Xildhibaanada ku doorteen 6 Senator, oo u badan kuwa horey kuraasta ugu fadhiyay.

Dad badan ayaa aaminsan in siyaasad lagu kala qeybsadey doorashadda Galmudug, waxayna ahayd mid horey natiijadeeda loo sii saadaaliyay, oo ay kusoo baxeen mushariixintii ugu waaweynaa ee lala rabay Kuraasta.

Lix Kursi ayay Galmudug dooratay waxaa dhiman labo Kursi oo mid kamid ah ay isku hayaan Xaaf iyo Cabdi Qeybdiid oo Gaalkacyo kasoo jeeda, waxaana lagu wadaa in dhawaan midkooda kusoo baxo liiska, iyadoo loo badinayo Senator Cabdi-Qeybdiid.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.