Qoor Qoor oo ka hadlay Safarka Farmaajo iyo Kheyre

Beesha Caalamka ayaa shirkaan ku cadaadineyso dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada in ay go'aan dalka doorasho uga dhci karto ka soo saaraan.

Warar Keydmedia Online
Qoor Qoor oo ka hadlay Safarka Farmaajo iyo Kheyre

Muqdisho, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo xalay khudbad ka jeedinayay gunaanadka shirka wada-taashi ee dowlad goboleedyada ayaa ka hadlay safarka la filayo in ay madaxda Dowladda Soomaaliya ku taagan Dhuusamareeb.

Qoor Qoor ayaa sheegay in Galmudug ay si wanaagsan u marti gelisay, kuna guuleysatay wejigii koowaad ee qabsoomidda shir heerkaan sare ah, isagoo xusay in wajiga labaad ay isku diyaarineyso, kaasoo ay ku soo biirayaan madaxda Villa Soomalaiya.

Waxuu sheegay in ay jiri doonaan kulamo gaar gaar ah, kuwaasoo hordhac u ah shirka wajiga labaad ee dhawaan ka furmayo Dhuusamareeb, waxuuna Bulshada reer Galmudug ugu baaqay in ay la garab istaagaan.

“Waxaa noo furmi doona Wajigii labaad ee shirka oo ay kasoo qeyb gali doonaan Madaxda DFS oo aan rajeeneyno in maalmaha soo socdo noo furmo insha allah," ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Waxuu intaasi kusii daray “Reer Galmudug Warankoodii yaanbeey ka tunteen, waxaan nabad aheyn oo ay ka shaqeynayaan ma jirto hadii dhaxdooda tahay hadii Soomaali dhaxdeeda tahay”

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay gaaraan magaalada Dhuusamreeb, waxaana shalay magaalada ka degtay diyaarad siday ilaalada Kheyre, oo hor-u-udhac u ah wafdiga madaxweynah iyo Ra'iisul Wasaaraha.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.