‘Qoor-Qoor’ oo ka hadlay Wajiga 3-aad Shirka Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye 'Qoor-Qoor' ayaa ka digay in la hor-istaago hormarka Wajiga 3-aad ee Shirka Dhuusamareeb. 

Warar Keydmedia Online
 ‘Qoor-Qoor’ oo ka hadlay Wajiga 3-aad Shirka Dhuusamareeb

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye 'Qoor-Qoor' oo ka hadlay munaasabad loogu soo dhaweeyay dalka Turkiga ayaa ka hadlay muhiimada uu leeyahay Shirka Dhuusamareeb Wajigiisa 3-aad. 

'Qoor-Qoor' oo u mahadcelinayay Jaaliyadda Galmudug oo soo dhaweysay ayaa ka digay in la fashiliyo Shirka Wajigiisa 3-aad. 

“Shirka waqtii lagu ballamay ayuu ku dhacayaa, ilaa haatan ma heyno waxyaabo keeni kara in uu dib uga dhaco xiliga qorshuhu yahay, waxa aan bogaadinayaa kaalinta Dadka Galmudug gaar ahaan Shacabka Magaalada Dhuusamareeb oo martigeliyay Madaxda iyo xubnaha la socday” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.