Qoor-qoor oo la kulmay Swan iyo Yamamooto

Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa billaabay in ay kulamo la qaataan Madaxweynaha Galmudug Qoor-qoor, wax yar kadib markii uu maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Warar Keydmedia Online
Qoor-qoor oo la kulmay Swan iyo Yamamooto

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kadib safar dhowr isbuuc qaatay uu ku joogay dalka Turkiga.

Wax yar kadib markii uu dalka ku soo laabtay MW, Qoor-qoor, waxaa kulamo kala duwan la yeeshay danjiraha Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Yamamooto iyo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan.

Swan iyo Yamamooto ayaa Qoor-qoor kala hadlay shirka wada tashiga ee Beeshaa Caalamka qabanqaabisay, kaas oo la filayo inuu dhawaan ka dhaco Muqdisho.

Danjirayaashaan oo hoggaaminya wakiillada kale ee caalamka ayaa is xilqaamay, Kadib fashilkii ku yimid, saddex baaq oo Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo u diray Madaxda Maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, si loo qabto Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020.

Qoor-qoor oo ka mid ah maamullada taabacsan Farmaajo ayaa dhawaan la wariyay unuu ka biya diiday, ka qeyb galka shirka, kuna xiray shuruudo hor leh si uu u soo xaadiro.

Dhawaan ayay ahayd markii Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle uu sheegay in Galmudug ay kaliya og tahay shirkii uu iclaamiyay Farmaajo, diyaarna u tahay in ay kaas ka qeyb gasho.

Lama oga wax iska baddali doona Qoor-qoor, oo sida la sheegay safarka uu kaga soo kicitimay Turkiga uu ahaa mid dag dag ah.

Madaxweynaha Galmudug, culeyska ay saarayaan Beesha Caalamka waxaa u dheer kan uu ka wajahayo, Golaha Midowga Musharixiinta oo u badan siyaasiyiin kasoo jeeda Galmudug.

KEYDMEDIA ONLINE.

Commenting is not available in this channel entry.