‘Qoor qoor’ oo lagu soo dhaweeyay Gaalkacyo

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Gaalkacyo. 

Warar Keydmedia Online
‘Qoor qoor’ oo lagu soo dhaweeyay Gaalkacyo

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye 'Qoor Qoor ' iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta safar dhulka ah ku gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Galkacyo waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey maamulka iyo shacabweynaha Degmadda iyo xubno ka tirsan goleyaasha maamulka Galmudug.

Madaxweynaha waxaa socdaalkan ku wehlinayay wasiirka arrimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo Fedaraalka Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel, wasiirka Dekadaha iyo Kalluumeysiga, xildhibano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Galmudug Cabdicasiis Nur.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa uu Maanta Gaalkacyo ku gaaray uga sii gudbay Xerada indha-qaris oo uu tababar ugu soo xirayo Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Galmudug.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.