Qoor Qoor oo safar dhulka ah uga soo baxay Cadaado

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor qoor oo ku sugnaa magaalada Cadaado ayaa safar dhulka ah kaga soo dhaqaaqay, isagoo soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug

Warar Keydmedia Online
Qoor Qoor oo safar dhulka ah uga soo baxay Cadaado

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Axmed Qoor qoor madaxweynaha Galmudug ayaa maalmahan galay xaalad adag, isagoo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka billowday bannaanbaxyo looga soo horjeedo isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya, waxaana laga codsaday in ay ka hadlaan caruurtii askarnimada loo qaaday ee waddanka Eratariya.

Qoor qoor ayaa isaga soo cararay iyadoo ay magaalada Gaalkacyo la gubaneyso bannaanbaxyo ay dhigayaan hooyooyin careysan iyo dhallinyaro, waxaana uu soo gaaray magaalada Cadaado halkaasoo uu ku sugnaa muddo laba cisho ah, maanta ayuu safar dhulka kaga soo dhaqaaqay wuxuuna galabnimadii maanta soo gaaray magaalada Dhuusamreeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha oo la dirirsan warbaahinta ayaa soo gaaray Dhuusamareeb, isagoo horay ugu hanjabay warbaahinta Galmudug ka shaqeysa ee tabisa wararka ku saabsan qabsashada Al-Shabaab ee deegaanda Galmudug, isagoo amar ku bixiyay in la qariyo, isla maalin kaddib hanhabaaddaasi waxaa la xiray laba wariye oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo muddo 24 saac ah si sharci darro ah ugu xirnaa Saldhigga degmada Dhuusamareeb.

Axmed Qoor qoor ayaa wajahaya xaalad qasan deegaanda Galmudug, waxaa ka billowday dilal aanooyin qabiil oo kala dhaxeeya dadka kasoo jeeda maamulka ay dariska yihiin ee Hirshabeelle, sidoo kale is qabsi la xiriira magaalada Matabaan oo ay ka joogaan ciidamo taabacsan Galmudug, kuwaasoo ay kasoo hor jeedeen kuwa kale oo taabacsan maamulka Hirshabeelle oo degmada Matabaan ay ka tirsantahay.

Qoor qoor oo ay galbinayaan gawaarida dagaalka ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaana ay muujineysa amni xumida ka jirta Galmudug.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.