Qoor-qoor oo wadahadal la furay Ahlu-sunna

Madaxweynaha Galmudug ayaa ka baqaya in ay soo laabato cududii ciidan ee Galmudug.

Warar Keydmedia Online
Qoor-qoor oo wadahadal la furay Ahlu-sunna

Mdaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa xalay wuxuu kulan albaabada u xiran la yeeshay Sheekh C/risaaq Ashcari oo ka mid ah hoggaanka Ahlu-sunna Waljameeca.

Kulankaan oo ahaa mid horudhac u ah kulan kale oo ay yeelan doonaan madaxda Galmudug iyo Ahlu-sunna ayaa looga hadlay sidii la isugu soo dhowaan lahaa, islamarkaana ay Ahlu-sunna kaalinteeda uga qaadan lahayd maamulkaasi.

Maadaama Ahlu-sunna dagaal looga saaray Dhuusamareeb iyo Guriceel, ayaa hadana waxa uu Qoor-qoor doonayaa in wada-hadal uu la galo, si la isugu uur fiyoobaado, deegaannadaasina ay nabad u ahaadaan.

Madaxweynaha Galmudug ayaa xilli walbo wuxuu shaki ka qabay in dhib uu kaga yimaado dhanka Ahlu-sunna, maadaama dowladda Farmaajo ay awood u adeegsatay, waxaana sidoo kale Qoor-qoor uu ka baqay in duulaan kale lagu soo qaado, mar haddii ay daciiftay awooddii DFS.

Dadka ku dhaqan Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa 100% taageersan Ahlu-sunna Waljameeca, waana sababta uu Qoo-qoor ku galayo wadahadallada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.