Qoor-Qoor oo Xaaf ka reebay tartanka Aqalka Sare

Xaaf ayaa horey u sheegay in Qoor-Qoor uu rabo inuu ka reebo tartanka doorashadda Aqalka Sare, islamarkaana uu wali ku wado dagaalkii uu ku billaabey markii uu Madaxweynaha ahaa.

Warar Keydmedia Online
Qoor-Qoor oo Xaaf ka reebay tartanka Aqalka Sare

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweyne Qoor-Qoor, ayaa soo saarey liiska Musharixiinta labada Kursi ee ka harsanaa kuraasta Aqalka Sare ee laga doorto Galmudug.

Musharixiinta wuxuu Qoor-Qoof safka hore ku qoray Cabdi Qeybdiid, oo la tartamayo Musharax malxiis ah, kaasoo la geliyay booskii Xaaf, oo dad badan sugayeen inuu la tartami doono.

1. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid)
Cawil Nuur Cali

2. Cabdi Cismaan xareed
Mahad Aadan Guuleed

Waxaa sidoo kale uu Qoor-Qoor ka reebay tartanka C/waaxid Cilmi Qoonjeex oo horey kursiga ugu fadhiyay, waxaana labada Kursi doorashadooda soo afjaraysaa geedigii dheeraa ee Aqalka Sare kuraastiisa 54 lagu soo xulayay.

Xaaf ayaa horey u sheegay in Qoor-Qoor uu rabo inuu ka reebo tartanka doorashadda Aqalka Sare, islamarkaana uu wali ku wado dagaalkii uu ku billaabey markii uu Madaxweynaha ahaa.

Maalmaha soo aadan ayaa la filayaa inay Galmudug qabato doorashadda Kuraasta dhiman, iyadoo loo gudbayo doorashada Aqalka Hoose, oo hadda uu RW Rooble sheegay in lasoo afjarayo kahor inta aan dhamaan sanadkan.

Doorashadda Baarlamaanka Soomaaliya waxay noqotay mida ugu dheer, iyadoo socotay mudo 6 bilood ku dhaw. Sababtuna waa khilaafkaa siyaasadeed ee uu Farmaajo dalka geliyay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 8 December 2021 17:43

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa qaaday tallaabo ay ku burburinayaan dhaqaalaha Muqdisho, waxaana magaalada la soo galiyay malaayiin doolar oo been abuur ah, halka mashiinno iyo daawooyin lagu nadiifinayo lacago sharci darro ah.