Qoor Qoor: Waxaan wadaa xalinta Tabashada Doorashada

Qoor qoor ayaa ku baaqay in la xalliyo khilaaf walba oo jira.

Warar Keydmedia Online
Qoor Qoor: Waxaan wadaa xalinta Tabashada Doorashada

Madaxeynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa khudbad uu ka jeediyey kulanka madasha aragti wadaag waxa uu kaga hadlay khilaafka doorasho iyo sidoo kale dedaalka uu ugu jiro in xal laga gaaro arrintaasi.

Waxa uu tilmaamay in uu kulamo la qaadanayo maxda DFS iyo kuwa dowlad goboleedyada, uuna noqonayo nabadoon raadinaya xalka khilaafka jira.

Waxa uu sheegay in sababta uu u tagay Garoowe ay tahay sidii uu madaxda dowlad goboleedyada wadahadal ula yeelan lahaa, islamarkaana la isku fahmi lahaa sidii doorasho loo qaban lahaa.

“Waxaan halkaan u imaaday inay la kulmo Madaxda tabashada kala qabto, waxaana rajeynayaa in kulamadaas ay kasoo bixi doonto natiijo wanaagsan oo xal u noqoto dalka lana qabto doorasho"

Ugu dambeyn, Qoor Qoor ayaa sheegay in xalka ugu haboon ay tahay in la helo is faham, lagana wadahadlo wax walba oo jira.
 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.