Qoorqoor go’aankiisu wali ma cadda!!

Madaxweynaha  Galmudug Axmed Qoorqoor, ayaa Magaalada Dhuusamareeb kulamo aan waxba ka soo bixin, kula yeeshay Xildhibaannada iyo Senatarada maamulkaas ku metalaya Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

News Keydmedia Online
Qoorqoor go’aankiisu wali ma cadda!!

Dhuusamareeb, Soomaaliya  - Waxaa soo gabagaboobay kulamo muddooyinkii danbe ka socday magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo u dhaxeeyay, Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, [Qoorqoor] iyo Xildhibaannada laga soo doorto degaannada maamulkaas.

Qoorqoor ayaa xildhibaannada ka codsaday in ay dib ugu laabtaan Dhuusamareeb, billowgii todobaadkii hore, waxaana la rumeysnaa inuu soo bandhigi doono, qorshaha uu ka leeyhay doorashooyinka kuraasta ugu sarreysa dalka, hayeeshee, taasi ma hir-galin.

Howl-wadeenno ka tirsan Xaafiiska Madaxweynaha Galmudug, ayaa Keydmedia Online, u sheegay in labadii is arag ee hore, ay kulamadu ahaayeen kuwo la isku maan-dhaafay, isla-markaana xildhibaannadu kala aragti ka noqdeen sida loo jahaynayo masiirka dalka.

Xubno ka tirsan xildhibaannada taageersan Farmaajo, oo ay ku jiraan Cabdirisaaq Cali Mire iyo Cabdullaahi Kullane Jiis, ayaa isku dayay in ay miiska soo saaraan in Galmudug garab u noqoto Farmaajo, taas oo sababtay in inta badan xildhibaanadu ka istaagaan fadhiga.

Sida xoguhu caddeynayaa, Qoorqoor, ayaa jawiga caadi ku soo celiyay, wuxuuna gadaal u dhigay, soo bandhigidda qorshiiisa siyaasadeed iyo damiciisa ku aaddan, wax ku darsiga, Saddexda kursi ee ugu sarreysa dalka. [Gudduumiyaha BJFS, MW-naha iyo RW-raha].

Todobaadkii hore, waxaa soo shaac baxay war sheegaya in QQ, uu isku sharixi doono, xilka ugu sarreeya dalka, ama uu Xildhibaannada kala hadli doono in ay la dhisaan musharrax gar ah, uuna raadsanayo Xilka Ra’iisul Wasaaraha, hayeeshee go’aankiisu wali ma cadda.

Inta badan Xildhibaannada ayaa la filayaa in ay dib ugu soo laabtaan Caasimadda, xilli guddiga doorashooyinka heer maamulka Galmudug [SEIT], looga fadhiyo in ay feylasha xildhibaannada u gudbiyaan guddiga doorashooyinka heer Federaal [FEIT].

Guddiyada doorashooyinka Jubaland iyo Puntland, ayaa FEIT, ku wareejiyay galalka xildhibaannada lagu doortay, Kismaayo, Garowe iyo Boosaaso, waxaana guddiyada kale la faray inay soo gudbiyaan waqtiga loo asteeyey dhammeystirka shaqadaas.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.