Qoorqoor iyo danjiraha Midowga Yurub oo kulmay

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Danjiraha midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ku kulmay magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Qoorqoor iyo danjiraha Midowga Yurub oo kulmay

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa kulan muhiim ah la qaatay danjiraha Midowga Yurub ufadhiya Soomaaliya Nicolas Barlenge.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa iska xog wareystay qorshaha horumarineed ee Galmudug iyo sidii Midowga Yurub usii ballaarin lahaa mashaariicda ay ka wadaan degaanada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay teegaarada joogtada ah ee Midowga Yurub la garab taaganyihiin umadda Soomaaliyeed gaar ahaan degaanada Galmudug.

Danjiraha ayaa ballanqaad usameeyay maamulka Galmudug in ay taageeri doonaan Hay’adaha Dowladda Galmudug, waxa uuna sheegay in ay  dhawaan fulin doonaan mashaariic dib udhis loogu sameynayo Kaabayaasha dhaqaale ee dowlad goboleedka Galmudug.

Danjire Nicolas Barlenge ayaa kamida danjirayaasha ugu fircoon ee xubnaha wakiilada beesha caalamka ee taagerada joogtada ah siiya dowladda iyo dadka Soonaaliyeed.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.