“Qoorqoor oo cabsi awgeed Gaalkacyo uga dagay”

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo cabsi uu ka qabo weerarada Al-Shabaab awgeed uga dagi waayay garoonkii Dhuusamareeb, una safray magaalada Gaalkacyo.

Warar Keydmedia Online
“Qoorqoor oo cabsi awgeed Gaalkacyo uga dagay”

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Cabdi Salaan Yuusuf Guuleed ayaa hadalkan yiri isagoo la hadlayay warbaahinta magaalada Muqdisho mid kamida "Madaxweyne Qoorqoor waxuu hada kusoo aruuray amni iska dhaafe iyo in uu Madaxweyne 11-beel iyo qabiilo matalayay, deegaan matala, Wasiiro, Golle Baarlamaanka iyo Gudoonka matala iska daaye waxuu kusoo aruurey in uu noqdo wasiir Dowlada Federaalka ka tirsan in uu noqdo"

Madaxweyne Qoorqoor ayaa safar 20 cesho qaatay ugu maqnaa magaalada Muqdisho, waxa uuna dib ugu soo laabtay deegaanada Galmudug, isagoo ka cabsi qaba in ay Al-Shabaab weeraraan sidii hadda kahorba ay u weerareen ayuu ka dagay magaalada Gaalkacyo oo amni ahaan ka yara wanaagsan magaalada Dhuusamareeb Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Taliye Kuxigeenkii hore ee NISA Cabdisalaan Yuusuf Guuleed oo inta badan ka hadla falanqeynta siyaasadda iyo khibraddiisa amni ee uu leeyahay ayaa si cad usheegay in magaalada Dhuusamareeb ay khatar ugu jirto kooxda Al-Shabaab oo horay ugu soo weeraray magaalada Hoobiyeyaal iyo sidoo kale HubkaLidka Diyaaradaha iyagoo ku riday diyaarad madaxweyne Qoorqoor ka qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.