Qoor-Qoor oo gaaray Cadaado si uu u xaliyo xiisado colaadeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa safar dhulka ah kaga ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ayaa gaaray magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud

Warar Keydmedia Online
Qoor-Qoor oo gaaray Cadaado si uu u xaliyo xiisado colaadeed

CADAADO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta safar dhulka ah ku tagay magaalada Cadaado ee Gobolka Gaalgaduud.

Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdigiisa oo kasoo ambabaxay Dhuusamareeb ayaa waxaa magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay, Mas’uuliyiinta maamulka degmada, Odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bushada.

Safarka madaxweynaha ayaa qeyb waxa uu ka yahay dhammeynta xiisado colaadeed oo ka dhacay qaar kamida degaannada Galmudug, waxaana lagu wadaa inuu usii gudbo magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo shirka arrimaha doorashooyinka ee lagu wado inuu ka dhaco 20 -ka bishaan magaalada Muqdisho kaasoo uu iclaamiyay Ra'iisul Wasaare Rooble.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.