Qoor-Qoor oo ka qeyb galay shir muhiim ah

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmex Qoorqoor ayaa magaalada Dhuusamareeb uga qeyb galay shir ay soo agaasimeen laba wasaaradood oo kamida kuwa Galmudug

Warar Keydmedia Online
Qoor-Qoor oo ka qeyb galay shir muhiim ah

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxwaynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug uga qeyb galay shir muhiim ah kaasoo lagu soo bandhigayay warbixinta sahanka Caafimaadka iyo macluumaadka dadka Dowlad Gobolka Galmudug ee 2020 oo ay wadajir u sameeyeen Wasaaraddaha Qorsheynta iyo Caafimaadka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Daraasadan oo lagu soo bandhigey macluumaadka dhabta ah ee la xiriira bulshada ayaa diiradda lagu saaray in la ogaado heerarka ay marayaan tusaalayaasha muhiimka ah sida caafimaadka, waxbarashada, fayadhowrka, nafaqada iyo nolosha heerarka kala duwan ee qoysaska ku dhaqan dhulka ay maamusho Galmudug

Maslax maxamed Cabdi madaxa kormeerka iyo maareynta qandaraasyada ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa ka waramaya faa'iidada ay leedahay daraasadan isagoo si aada ugu faahfaahiyay ka qeyb galayaashii madashan oo uu ku jiro madaxweyne Qoorqoor.

Wasiirka qorsheynta Galmudug Cabdinaasir Geelle iyo wasiirka Caafimaadka Dr. Cabdiweli Cabdulahi Jaamac ayaa tilmaamey in qiimeyntani meesha ka saari doonto xogihii hore looga xigan jiray hey'addaha aan dowliga aheyn, waxaana inta badan xogahaasi ay ahaayeen kuwo aan lagu kalsoonaan karin maadaama ay soo uruuriyeen shaqaale hay'adeed oo aan dowli ahayn.

Madaxwayne Qoorqoor ayaa ku amaanay Wasaaraddaha Caafimaadka iyo Qorsheynta qiimeyntan ay sameeyeen oo noqoneysa sahankii ugu horeeyay tan iyo markii Galmudug la aas-aasey. Iyadoo noqon doonta sidoo kale howshii ugu muhiimsaneed dowladda uu hoggaamiyo Qoorqoor.

Kulankan ayaa gunaanadkiisa looga baaqey qorshe dajiyayaasha Galmudug oo ay kujiraan hey'addaha Dowlada iyo dhamaan heay'addaha kale in maanta wixii ka dambeeya ay heli karaan xogo kala duwan oo muhiim u ah wax ka qabashada baahiyaha dadka reer Galmudug.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.