Qoorqoor oo ku dhawaaqaya Musharaxiinta Aqalka Sare

Ilo ku dhow Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu wado qorshihii ugu dambeeyay ee uu kusoo gudbinayo Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare oo ay ka sugayaan Guddiga hirgelinta doorashooyinka Galmudug.

Warar Keydmedia Online
Qoorqoor oo ku dhawaaqaya Musharaxiinta Aqalka Sare

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa shaacada soo socda lagu wadaa inuu soo gudbiyo liiska Musharaxiinta u tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Inta badan xubnihii kuraasta Aqalka Sare ee Galmudug ku fadhiyay afartii sano ee la soo dhaafay ayaa ku sugan magaalo madaxda Gobolka Galgaduud, waxayna u baratamayaan in ay difaacdaan kuraasta lagu iba-furay Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya 2016-kii.

Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor, ayaa la filayaa inuu ka soo tago xubno badan, waxaaana aad indhaha loogu hayaa, qaabka ugu ugu caddaalad falo Siyaasiyiinta miisaanka culus ee ku sii qulquleya magaalo madaxda Galgaduud.

Madaxweynihii hore ee GM, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Guddoomiye ku xigeynkii koobaad ee Aqalka Sare, Abshir Bukhaari, Sanatar Jawaajir Axmed Cilmi, Sanatarada caanka ah ee Dhagay iyo Dhagdheer, iyo Sanatar Samsam, ayaa ka mid ah shaqsiyaadka aadka uga cabsi qaba in ay iska dhex waayaaan liiska ka soo wajahan Qoorqoor.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Qoorqoor, kursiga u xoogtay, waxaana la filayaa in ay qeyb weyn ku lahaan doonaan tartamayaasha uu soo magacaabi doono.

Bogga wararka ee Keydmedia Online, kala soco liiskaa Qoorqoor ee la sugayo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.