Qoorqoor oo u ambabaxaya Dhuusamareeb

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Qoorqoor oo inkabadan muddo 40 cisho ah ka maqnaa Galmudug ayaa ku laabanaya xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb.

Warar Keydmedia Online
Qoorqoor oo u ambabaxaya Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa lagu wadaa in maalinada berri ah uu ka ambabaxo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoo wali uu socdo shirkii u dhexeyay Dowladda federaalka Soomaaliya, Dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe iyo gobolka Benaadir

Wararku waxaa ay sheegayaan in Qoorqoor uu berri oo Isniin ah uu aadi doono magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, maadaama in kabadan 40 cisho uu ka maqnaa degaanada uu ka taliyo maamulkiisa, sida ku qoran Dastuurka Galmudug waa in aanu Madaxweynaha ka maqnaan karin deegaanka muddo ka badan 45 Cisho.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa dalka dibaddiisa ku maqnaa muddo ku dhaw bil, isagoo markii uu soo laabtayna ka qeyb galay wadahadalladii udhaxeeyay dowladda iyo madaxda dowlad goboleedyada, kuwaasoo aan weli wax natiijo ah laga gaarin iyadoo labadii maalin ee u dambeysay ay shir albaabada u xiran yihiin ku yeeshay xerada ciidamada cirka ee Afisiyooni.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa horay loogu sheegay in aysan Muqdisho ka tagi karin iyagoo aan xal ka gaarin wadahadallada udhaxeeya madaxda Soomaalida, inkastoo safarka madaxweyne Qoorqoor uu yahay mid Dastuuri ah, ayaa haddana la filayaa inuu dib ugu soo laabto magaalada Muqdiaho si ay usii socdaan wadahadallada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.