Qorshaha howl-galka doorashada Golaha shacabka oo la soo saaray

Midkasta oo kamid ah 275-ta kursi waxa uu yeelanaayaa guddi xulista ergada oo gaar u ah, xubin kasta oo kamid ah waxa uu ka tirsanaan karaa hal kursi oo kaliya, marka laga reebo Guddiga Xulista Ergada ee Soomaaliland oo xubnaha ay kamid noqon karaan laba ama ka badan ee guddiga xulista ergada.

Warar Keydmedia Online
Qorshaha howl-galka doorashada Golaha shacabka oo la soo saaray

MUQDISHO, Somaaliya – Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federal, ayaa soo saaray Qorshaha howl-galka doorashada Golaha shacabka, kaas oo si weyn loogu bayaaniyay, qaab dhismeedka guddiga xulitaanka ergada, macluumaadka iyo wargalinta guddiga xallinta ergada, diiwaan galinta musharixiinta, shuruudaha musharixiinta xubnaha BFS, Qoondada hawenka, iyo cayimidda goobaha cod-bixinta.

Guddiga Xulitaanka Ergada (GXE), Sida ku cad qorshaha, guddigaan, ayaa ka kooban sadax oday dhaqameed iyo laba xuboond ee bulshada rayidka ah, oo xubin kamid ah ay tahay haween, waxaana la siyaadin karaa tiradaas haddii duruufo gaar ah yimaadaan, guddigaan waxaa soo xulaya ergada ka qaygalaysa doorashada.

Xubnaha guddiga xulista ergada ce bulshada rayidka waxa ay ka kala imaanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida hoggaamiyeyaasha diinta (culimada & imaamyada), ganacsatada, aqoonyahanka, haweenka, dhallinyarada iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ka soo jeeda beesha ama jifada kursiga iska leh.

Ergada doorashada ee ka kooban 101-da ee dooranaya Golaha Shacabka waxaa soo xulaya duubabka, nabadoonnada ka diiwaan gashan DXDF/Dowladda Federalka iyo Bulshada Rayidka ah oo ka wada tirsan qabaa'ilka ama jifooyinka wadaaga kursiga) waxaana hubinaya GMDHDX.

Macluumaadka iyo Wargalinta Guddiga Xulitaanka Ergada.

Sida lagu muujiyay Qorshaha howl-galka doorashada Golaha shacabka, Macluumaadka iyo Wargalinta Guddiga Xulitaanka Ergada GMDHDX waxaa looga baahanyahay in ay Guddiga Xulista Ergada ay ku war-galiyaan hanaanka xulista ergada, GHDHF waxa uu korjoogtaynaya hannaanka. Wacyi-galinta GXE waxa ay ka dhacaysaa magaalooyinka loo asteeyay doorashooyinka, halka musharuxu iska diiwaan galinayo degaan doorashada uu yaallo kursiga uu u tartamayo ee ee Dowlad goboleedka sida;

Puntland

Garowe & Boosaaso

Galmudug

Dhuusamareeb & Gaalkacyo

Hirshabeelle

Jowhar & Baladweyne

Koofur galbeed

Baydhabo & Baraawe

Jubbaland

Kismaayo & Garbahaarrey

Somaliland & Banadir

 Muqdisho

Cod-bixinta waxay soconaysaa 20 maalmood, iyada oo ay ka dhacayso 12 degaan doorasho, oo leh 12 xarumo ee codbixin iyo 18 goobood ee codeynta, ee laga hirgelinayo 5 dowlad-goboleed iyo gobolka Banaadir, sida ku cad jadwalka kore.

Dowlad Goboleedka

Magaalada

Kurasta/doorashada

Goobaha cod-bixinta

Soomaaliland

Muqdisho

46 Kursi

2 Goobood

Puntland

Garowe

21 Kursi

1 Goob

Boosaaso

16 Kursi

1 Goob

Galmudug

Dhusamareeb

26 Kursi

2 Goobood

Gaalkacyo

11 Kursi

1 Goob

Hirshabeelle

Jawohar

13 Kursi

2 Goobood

Baladweyne

25 Kursi

2 Goobood

Koofur galbeed

Baydhabo

43 Kursi

3 Goobood

Baraawe

26 Kursi

1 Goob

Jubbaland

Kismaayo

27 Kursi

1 Goob

Garabaaharrey

16 Kursi

1 Goob

Banaadir

Muqdisho

5 Kursi

1 Goob

WADARTA

275 Kursi

18 Goobood.

Galmudug: Waxaa laga soo dooran doonaa 37 kursi, oo ay u soo codeyn doonaan 3,737 ergo, kuwaas oo doorashadoodu ka dhaceyso saddex goobood.

Puntland: Si taas la mid ah, waxaa laga soo dooran doonaa 37 kursi, oo ay u soo codeyn doonaan 3,737 ergo, kuwaas oo doorashadoodu ka dhaceyso labo goobood.

Jubbaland: Waxaa laga soo dooran doonaa 43 kursi, oo ay u soo codeyn doonaan 4,343, ergo, kuwaas oo doorashadoodu ka dhaceyso 2 goobood.

Hirshabeelle: Waxaa laga soo dooran doonaa 38 kursi, oo ay u soo codeyn doonaan 3,833 ergo, kuwaas oo doorashadoodu ka dhaceyso afar goobood.

Koofur galbeed: Waxaa laga soo dooran doonaa 69 kursi, oo ay u soo codeyn doonaan 6,969 ergo, kuwaas oo doorashadoodu ka dhaceyso afar goobood.

Soomaaliland: Kuraasta gobollada waqooyi waa 46 kursi oo ay dooran doonaan, 4,646 ergo, kuwaas oo doorashadoodu ka dhaceyso labo goobood oo ku yaalla caasimadda.

Banaadir: Waxaa ka imaanaya 5 kursi oo 505 ergo ugu codeyn doonaan hal goo boo ku taalla Muqdisho.

Qorshaha howlgalka doorashada, ee ka soo baxay Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federal, kama dhigna jadwalka doorashada, hayeeshee, wuxuu hore dhac u yahay qorshaha lagu hirgalinayo doorooyinka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 8 December 2021 17:43

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa qaaday tallaabo ay ku burburinayaan dhaqaalaha Muqdisho, waxaana magaalada la soo galiyay malaayiin doolar oo been abuur ah, halka mashiinno iyo daawooyin lagu nadiifinayo lacago sharci darro ah.