“Qorshe qarriban” Kheyre damaciisaa dili kara!

Kheyre, ayaa daaha gadaashiisa ka billaabay olole doorasho, xilli xubnaha ugu miisaanka culus ee Musharixiinta isku diyaarinayaan dhisidda Gole ku meel gaar ah oo dalka gaarsiiya doorasho, wixii ka danbeeyay dhamaadka December.

Warar Keydmedia Online
“Qorshe qarriban” Kheyre damaciisaa dili kara!

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaarihii ugu muddada dheeraa ee la soo shaqeeyay Farmaajo, Xasan Cali Kheyre, oo hadda ka mid ah Golaha Midowga Musharixiinta [Mucaaradka] ayaa billaabay olole doorasho oo aan hortiis laga hirgalin Koofurta Soomaaliya 30-kii sano ee la soo dhaafay.

Xogo ay heshay Keydmedia Online, todobaad ka hor, hayeeshee, aan u sii kuur-galnay ayaa xaqiijinaya in dhowrkii toddobaad ee na-weydaartay uu Kheyre waday dadaal uu ku doonayo sidii uu ku heli lahaa codadka xildhibaannada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi “Soomaaliland”.

RW Kheyre, wuxuu kulamo hoose la qaatay hoggaanka siyaasiyiinta ka soo jeeda Soomaaliland ee ku sugan Muqdisho, wuxuu weydiistay codod mideysan, isla-markaana wuxuuna u ballanqaaday inuu siin doono jagada Ra’iisal Wasaaraha, haddii uu ku guuleysto xilka Madaxweynaha.

Inkasta oo is-aaminaadda Siyaasadda Soomaaliya ay liitado, hatana Kheyre ayaa fursad u arka inuu si ka duwan doorashooyinkii hore ku raadiyo xilka Madaxweynaha, wuxuu horraanba isku dayay inuu kulan la qaato, Buur-madow, oo ka mid ah dhaqanka Waqoyi oo hadda ku sugan Caasimadda.

Kheyre ayaa siyaasad ahaan wasakhaysan, isla markaana aan wax taageero ka haysan Muqdisho, kadib markii uu qeyb lixaad ka ciyaaray gabood-falladii dadka ka dhacayay ku dhawaad afartii sano ee la shaqeynayay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Xukuumaddii Kheyre, ayaa ururka gobonimo doonka, ONLF, ku sumadday Argagaxiso, kadib u dhiibistii Itoobiya ee [Qalbi-dhagax], wuxuuna Kheyre wax ka ogaa weerarkii hoyga CCWarsame, halka isaga Farmaajo Fahad ku dhawaad 10,000 oo dhallinyaro ah u direen Eretria, kuwaas oo raq iyo ruux la la’ yahay ilaa hadda.

Kheyre, wuxuu ka gaabsaday inuu ka xog bixiyo dhallinyaradaas, wuxuuna tan iyo markii xilka laga raacdeeyay ku hoos gabanayay mucaaradka oo qeyb ka mid ah rumeysan yihiin inuu wali qofka saddexaad ka yahay nidaamka gabbalkiisu dhacay ee Farmaajo hoggaamiyo.

Kuraasta gobollada waqooyi waa 46 kursi oo Golaha shacabka ah iyo 11 Aqalka sare ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 December 2021 10:33

Tallabooyinkaan oo dhan waxa ay daaha ka qaadayaan in Mareykanku ka cagajiidayo xasillinta siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, isla-markaana uu baasiin xaaladda ku sii bilbilayay ku dhawaad shanti sano ee la soo dhaafay, si uu difaac ugu noqdo Fahad Yaasiin.