R/Wasaaraha “Qorshe aan Al-shabaab kula Dagaalamno ayaan diyaarinay”

Muqdisho (KON) - R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in Xukumadiisu ay dajisay Qorshe Al-shabaab looga Xoreenayo Gudaha Dalka Soomaalia.
Warar Keydmedia Online
R/Wasaaraha “Qorshe aan Al-shabaab kula Dagaalamno ayaan diyaarinay”

Shirdoon ayaa sheegay in ay diyaariyeen Ciidamadii Maleeshiyada Al-shabaab ka si feeyn lahaa Goobaha ay Dalka kaga sugan yihiin,si loo soo celiyo Xasiloonidii iyo kala danbeeyntii uu Dalku lahaa.

Waxuu intaa ku daray in horey uu hakad ku yimid Dagaalkii lagu la jiray Al-shabab laakiin hada dib loo bilaabayo Weerarada ka dhanka ah Maleeshiyada Al-shabaab.

Hadalka R/wasaaraha Soomaalia ayaa imaanaya xili dhawaan Golaha Amaanka ay ku dhawaaqeen in la kor dhiyo Tirada Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaalia si ay u la dagaalamaan Maleeshiyada Al-shabaab.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho