Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Afhayeen Al-qaadi ayaa sheegay in ay guud ahaan Gobolada Dhexe ay ka tir tiri doonaan Gobolada Dhexe haraadiga Al-shabaab, iyadoona uu tilmaamay In ay Maamulka Ahlu Sunna ay diyaariyeen qorshe aysan al-shabaab dib ugu soo laaban doonin Gobolada Dhexe.
Abuu Yuusuf Al-qaadi ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaariyeen ciidamo aad u fara badan oo qeyb ka ah kuwo ka qeyb qaadanayo qorshahaani lagu sheegay in looga ciribtirayo Al-shabaab Gobolada dhexe gaar ahaan Gobolka Galgaduud.
"Waxaan dhawaan ku dhaqaaqi doonaa qorshe ay soo diyaariyeen Maamulka Sare ee Ahlu Sunna, qorshahaasina waa in dhamaan Gobolada dhexe laga Dhex arkin Al-shabaab, waxaan qorshahaasi u diyaarinay ciidamo aad u fara bada, ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Ahlu Sunna Sheekh C/Raxmaan Abuu Yuusuf Al-qaadi.
Hadalka ka soo baxaya maamulka Ahlu Sunna ee gobolada Dhexe ayaana aheyn Mid ku cusub dhegaha bulshada Soomaaliyeed,waxaana mar waliba ay sheegaan in ay dagaalo Xoogan ku qaadi Doonaan Al-shabaabka ku sugan Gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments