Warbixin: Qoysas ka soo Barakacay Duleedka Muqdisho oo Kismaayo Gaaray

Kismaayo (Keydmedia) - Inkas badan 55 Qoys oo ka soo baracay xiisadaha iyo colaadaha aan dhamaadka lahayn ee ka taagan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa Saacadihii ugu dambeeyay waxaa ay gaareen Magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose.
Warar Keydmedia Online
Warbixin: Qoysas ka soo Barakacay Duleedka Muqdisho oo Kismaayo Gaaray

Qosaskaan uu u badan haween, Carruur iyo dad da'a ah ayaa waxay ka soo barakaceen dagaaladii ugu dambeeyay ee maalmihii ugu dambeeyay ka dhacaayay duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho kuwaasoo u dhaxeeyay xoogga dadka iyo dalka bur burinaya ee Ciidamada TFG-da, AMISOM oo isku dhinac ah iyo Maleeshiyaadka xag jika ah ee Shabaabka.

Sida uu ku soo waramaaya Wariyaha Keydmedia ee magaalada Kismaayo qoysaskaan ayaa waxaa ay ahaayeen kuwo aad u daalan islamarkaana ay ka muuqato diifta iyo rafaadka uu ku reebay safarkii dheeraa ee Muqdisho ilaa magaalada Kismaayo.

Daalka iyo diifta ka muuqata qoysaskani soo barakacay ka sokow waxaa sidoo kale dadkani ay dhibaato ka haysataa meeshii ay dagi lahaayeen iyo waliba raashinkii ay quudan lahaayeen, iyagoona sheegay inaysan hayasanin wax ay quutaan iyo hoy ay ku hoydaan.

Hooyo kamid ahayd qoysaskaasi deegaanka Ceelsha biyaha  ka soo barakacay ee Kismaayo soo gaaray oo uu la hadlay wariyaha Keydmedia ayaa waxaa ay sheegeen inay ku hanwaynyihiin sidii ay ugu gudbilahaayeen dhanka Xeryaha Qaxootiyada ee Dhadhaab halkaasoo ay ku noolyihiin kumanaan qaxooti soomaaliyeed kuwaasoo ay qixiyeen wadamo dana gaar ah ka leh kheyraadka Soomaaliya.

Carruur iyo dad waayeel ah oo aad u taag daran islamarkaana qaba cudurro kala duwan ayaa ku jira dadkaasi u baahan in loo gar gaaro.

Dadkaan ma haysataan cid u gar gaarto waxaana ay u barakaceen meel ay ka taliyaan Maleeshiyaad arxan laawayaal ah! Kud Ka Guur Qanjo U Guur!.

Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo

 




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.