Qoyska Ikraan oo ka hor yimid waraaq uu soo saaray Farmaajo

Maamo Qaali, waxa ay sheegtay in Farmajo caddeeyay sida uu ugu hor gudban yahay in qoyskeeda dulman ay caddaalad helaan, waxayna xaqiijisay in ay ka gudbin doonaan docwo, gudaha iyo dibadda labadaba.

Warar Keydmedia Online
Qoyska Ikraan oo ka hor yimid waraaq uu soo saaray Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaali Maxamed Guhaad, oo ah hooyada Ikraan Tahliil Faarax, oo gacanta NISA, ku maqan tan iyo 26-kii June, ayaa gaashaanka u duruurtay waraaq saacad ka hor ka soo baxaday Xaafiiska Farmaajo, taas oo lagu sheegay in guddi baaritaan loo saaray kiiska Ikraan oo uu ku eedeysan yahay Agasimihii hore ee Nabad-sugidda Fahad Yaasiin.

“Kuma qanacsanin mana aqbali doonno waraqda uu Farmaajo guddiga ugu xilsaaray baaritaanka kiiska Ikraan, waxaan ku qanac-sannahay Maxakamadda CQS, oo aan hore ugu gudbinnay dacwadeenna”. Ayay tiri Maamo Qaali oo dhawaan la hadashay Warbaahinta.

Waxay wax lala yaabo ku tilmaantay in qaar ka mid ah shaqsiyaadka ku eedeysan af-duubka iyo dilka Ikraan, (Yaasiin Farey)  uu Farmaajo ku daray dadka soo magaacabaya Guddiga baaraya Kiiska Ikraan.

Maamo Qaali, waxa ay sheegtay in Farmajo caddeeyay sida uu ugu hor gudban yahay in qoyskeeda dulman ay caddaalad helaan, waxayna xaqiijisay in ay ka gudbin doonaan docwo, gudaha iyo dibadda labadaba.

Sidoo kale, waxa ay digniin u dirtay Xildhibaannada kala ah Cabdiraxmaan Xirsi Kulmiye (Dheere) oo Fahad Yaasiin ku heyb ah iyo Cabdishakuur Cali Mire, oo Farmaajo ku heyb ah, kuwaas oo ay sheegtay in ay lid ku yihiin kiiska Ikraan.

Saacad ka hor ayay ahayd markii waraaq ka soo baxaday Xaafiiska Farmaajo, lagu magacabay wax loogu yeeray (Guddi Qaran)  oo ay hoggaaminayaan Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, kuwaas oo baaraya kiiska gabadha ku maqan gacanta NISA.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 2 December 2021 7:34

Nabaddoon Cali Jeesto, ayaa sheegay in xitaa loo diiday inuu u safro Dhuusamareeb, lana hor istaagay socdaalkiisa xilli uu doonayay inuu ka ambabaxo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.