Qulqulka musharraxinta Madaxweynaha Soomaaliya oo maalintii 2-aad socda

Musharraxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo qulqulaya maalintii labaad magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Qulqulka musharraxinta Madaxweynaha Soomaaliya oo maalintii 2-aad socda

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dhaqdhaqaaq xooggan kaasoo lagu soo dhaweynayo musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2021.

Shalay waxaa soo gaaray muqdisho si weyna loogu soo dhaweeyay Cabdikariin Xuseen Guuleed oo horay usoo noqday Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug iyo wasiirkii Amniga ee dowladda Soomaaliya, maantana waxaa si wada jir ah usoo gaaray magaalda Muqdisho Musharaxiin ay kamid yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xasan Cali Kheyre, Daahir Geelle iyo Cabdulqaadir Cosoble.

Qulqulka musharraxiinta ayaa la filayaa in uu abuuro xaalad kale oo cusub, iyadoo lagu sii dhawaanayo xilligii tartanka madaxtinimada Soomaaliya la qaban lahaa, madaxweyne Farmaajo ayaan marnaba ku qanacsaneen shirarka gaar gaarka ah iyo xafladaha soo dhaweynta ah ee ay sameysanayaan musharaxiinta isaga kula tartami doonta xilka madaxweynaha Soomaaliya sanadka 2021.

Waxaa la filayaa in ay dhawaan kulan ku yeeshaan musharaxiinta miisaanka ku leh tartanka, iyagoo horay usoo saaray waraaq ay ku mideysan yihiin o ay kaga cabanayeen hannaanka doorashada lagu wado, iyo sidoo kale xoo sulidda guddiyada doorashooyinka iyo kan xallinta khilaafaadka oo la marin habaabiyay, loona dhiibay wiilashii yar yaraa ee baraha bulshada wax ku qori jiray.

Gole ay u dhan yihiin murashaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee 2021 ayaa la filayaa in ay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho, sida ay Keydmedia Online ogaatay, soona qortay todobaadk kahor. 

Golahan ay ku mideysan yihiin murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shardi ku xiri doona ka qeyb galkooda doorashada, kaasoo ah in wax laga baddalo guddiga laga soo kala xulay xafiisyada dowladda ee u diiwaan gashan shaqaalaha Rayidka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 December 2020 6:01

Xaraashka Shidaalka Soomaaliya ee ka socda Turkiga ayaa imaanaya, iyadoo oo anay wali dhamaystirnayn hay'adihii uu sharcigu farayay inay ka shaqeeyaan arrimaha la xiriira khayraadka dalka.