Dowlada Itoobiya oo si rasmi ah u Xaqiijisay inay Ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya

Nairobi (KON) - Raysul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ay ka soo baxayaan Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan.
Warar Keydmedia Online
Dowlada Itoobiya oo si rasmi ah u Xaqiijisay inay Ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya

Hailemariam oo ka hor hadlay Baarlamaanka Itoobiya ayaa dhaliilay howgalka Ciidamda Amisom, wuxuuna sheegay inay ku fashilmeen inay amaanka goobaha ay joogaan ciidamada Ethiopianka kala wareegaan.

“Waxay ku qaadatay mudo sanad ah inay nagala wareegayaan amaanka, bil kastana way ku soo celceliyaan, laakiin way ku guuldareysteen inay amaanka la wareegaan sidaasi darteed annaga waanu ka baxaynaa.” ayuu yiri Hailemariam.

Keydmedia Online oo soo xiganeysay Saraakiil ka tirsan Ciidamda Dowlada ayaa 2 Bilood kahor soo qortnay in Dowlada Itoobiya ay qorsheyneysa sida ay Ciidamdadeeda ula bixi laheyd Soomaaliya.

Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi