R/wasaaraha oo Booqday Xarumaha Ciidanka ee Muqdisho

Muqdisho (KON) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta booqasho ku tagay qaar ka mid ah Xeryaha Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
R/wasaaraha oo Booqday Xarumaha Ciidanka ee Muqdisho

Ra’isal Wasaarahe Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo Xubno Ka tirsan Golahiisa Wasiirada ayaa Booqasho ku tagay Xero Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku Leeyihiin Deegaanka Jasiira ee Magaalada Muqdisho iyo qaar ka tirsan Saldhigyada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ra’isal Wasaaraha ayaa Ciidamda Dowladda u Mahadceliyay, uguna baaqay inay dhowraan Hubka iyo Saanadda Qaranka Soomaaliyeed.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho