R/wasaare Saacid “Dowladda kaligeed waxba ma qaban karto…”

Muqdisho (KON) - Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay haatan diyaarisay qorshe rasmi ah oo loogu talagalay in ay dowladu ugu shaqayso shacabka Soomaaliyeed.
Warar Keydmedia Online
R/wasaare Saacid “Dowladda kaligeed waxba ma qaban karto…”

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in uu jiro qorshe dhab ah oo dowlada ay doonayo in ay wadanka ku maamusho Afarta Sano ee Soo socota.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in xukuumadiisa ay doonayso in ay shacabka Soomaaliyeed ugu adeegto sidii loogu talagalay oo ay u baahnaayeen shacabka.

Xukuumadda Soomaaliya ujeedkeeda ayuu sheegay inay tahay ku dhaqanka cadaalada iyo usinaanta Bulshada Soomaaliyeed iyo sidoo kale in Dowladaha deriska la’ah dalka Soomaaliya ay nabadgalyo kula noolaadaan.

Wuxuu sheegay in dowladda kaligeed aysan wax qaban karin hadii aysan la shaqeyn shacabka Soomaaliyeed isaga oo ka dalbaday bulshada inay Dowladda la shaqeeyaan.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho