Raysal Wasaare Shirdoon oo gaaray Jowhar // Maamulka Gobolka Sh/Dhexe oo la badalayo

Muqdisho (KON) Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa goordhaw gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha dhexe.
Warar Keydmedia Online
Raysal Wasaare Shirdoon oo gaaray Jowhar // Maamulka Gobolka Sh/Dhexe oo la badalayo

Wafdiga Raysal wasaaraha ayaa waxaa ku wehliya xubno ka tirsan xukuumada iyo xildhibaano kasoo jeeda gobalka Shabeelaha Dhexe.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobalka Shabeelaha Dhexe Yuusuf Cabdi Cabdile ayaa sheegay in Raysal wasaaraha Soomaaliya si aad ah loogu soo dhoweeyay magaalada Jowhar.

Waxaa haatan ka socda magaalada Jowhar kulan ay leeyihiin xunaha xukuumada mudanayaal ka tirsan baarlamaanka iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in la doonayo in isbadal lagu sameeyo maamulka gobalkaasi Shabeelaha Dhexe isla markaana loo sameeyo maamul cusub, kaasi oo sii shaqayn doono mudada Lixda bilood ah ee soo socota.

Sida Saraakiil la socday R/wasaaraha ay Keydmedia Online u sheegeen, isbadalka Maamulka ayaa la doonayaa inuu howlgalo maalmahaan soo socda.

Dowlada Soomaaliya ayaa mudooyinkaan waday isbadal ay ku samaynayo maamulada gobalada dalka, waxaana horay isbadal loogu sameeyay maamulkii gobalka Baay.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho