Ruushka oo ‘kaalmo’ siinaya Soomaaliya

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in ay siineyso dowladda Soomaaliyeed kaalmo, iyadoo sidoo kalena sheegtay in ay jiraan dib u dhac ku yimid doorashooyinkii la filayay in ay soo gabagaboobaan Febaraayo 2021

Warar Keydmedia Online
Ruushka oo ‘kaalmo’ siinaya Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Ruushka oo dhawaan cunaqabateyn lagu soo rogay, balse kamida quwadaha adduunka ugu xoogga badan ayaa u muuqata in ay dooneyso in ay xiriir la yeelato waddanka Soomaaliya, balse ay xilligan ka taagan yihiin rabshado sababay dib u dhac ku yimid doorashooyinka dalka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Ruushka ayaa war qoraala oo ay kusoo qortay boggeeda rasmiga ah waxay ku sheegtay in dowladda Ruushka ay qorsheyneyso in ay taageerto dadaallada caalamiga ah ee Soomaaliya iyo in ay siiso kaalmo dhammeystiran.

Maria Vladimirovna Zakharova oo ah Agaasimaha waaxda warfaafinta iyo saxaafadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa tiri "Waxaan la soconaa horumarka ka socda Soomaaliya oo hoos usii socda kaddib ku guuldaraysiga qabashada doorashadii guud  ee bisha Febraayo. Ruushka oo kamida Xubnaha joogtada ah Golaha Ammaanka ee Q.M  waxay qorsheyneysaa inay taageerto dadaallada caalamiga ah & inay siiso kaalmo dhameystiran dowladda Muqdisho"

Sida ay Keydmedia Online hore u baahisay, Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, wuxuu qorsheeyay inuu cadaadiska reer Galbeedka kaga gambado gidaaradda Ruushka iyo Shiinaha.

Kadib kala furashada Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday iyo reer Galbeedka uu Mareykanku hor boodayo, waxaa la aaminnsan yahay in la joogo xilligii uu Farmaajo, bannaanka u soo saari lahaa, qorshihiisa muddaba uu daboolka ku huurinayay ee ah inuu dalka qaadsiiyo jidka Shuucidda ay Ruuskha iyo Shiinuhu hoggaanka u hayaan.

15tii Bishaan April ayay aheyd markii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Balal Cusmaan uu garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kulan kula qaatay Safiirka dalka Ruushka u qaabilsan Soomaaliya iyo Jabuuti, Michail Golovnov.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.