Rag afduuban jiray ganacsatada Muqdisho oo la xukumay

Waxa ay sameeyeen dhowr Afduub oo ay u gaysteen Hablo Soomaaliyeed iyaga oo ka qaatay lacag u dhexeyso $1,000-2,000 (kun ilaa laba kun oo dollarka Maraykanka), waxa ay sidoo kale Eedeysanayaasha sheegteen in ay ku qaadi jireen baadda magaca Alshabaab oo ay dhowr jeer ugu suura gashay helidda lacago, Si dadku ay u rumeystaan waxay ku ballamin jireen Masaajidda iyo xaafado ku yaal Cirifyada Muqdisho iyo suuqa  Bakaaraha.

Warar Keydmedia Online
Rag afduuban jiray ganacsatada Muqdisho oo la xukumay

MUQDISHO, Soomaaliya- Afduubka dadka oo ay lacag madax furasho ah uga qaadan jireen magaca Al-Shabaab ayaa loo heystaa Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow iyo Maxamed Cali Cabdi Isxaaq oo ka soo muuqday Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Waxay isticmaali jireen SIMCARD shirkadda SOMNET oo ay ganacsatada Soomaaliyeed ku waydiisanayeen bixinta lacago baad ah oo ay isaga dhigi jireen inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Waxa ay sameeyeen dhowr Afduub oo ay u gaysteen Hablo Soomaaliyeed iyaga oo ka qaatay lacag u dhexeyso $1,000-2,000 (kun ilaa laba kun oo dollarka Maraykanka), waxa ay sidoo kale Eedeysanayaasha sheegteen in ay ku qaadi jireen baadda magaca Alshabaab oo ay dhowr jeer ugu suura gashay helidda lacago, Si dadku ay u rumeystaan waxay ku ballamin jireen Masaajidda iyo xaafado ku yaal Cirifyada Muqdisho iyo suuqa  Bakaaraha.

Mid kamid ah dhibanayaasha  Goobjoogga  u ahaa Maxakamadaynta labada Eedeysane ayaa u sheegtay, Garsoorka in ay kaga shakisay labadaba Gor-gortanka lacagta sidaasna ay  ku war gelisay, Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo  soo qabtay Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow, dabayaaqadii May sanadkan.

Dabayaaqadii bishii July ayaa lagu wareejiyay eedeysanayaasha Maxkamadda, waxaanna xilligaasi xafiiska Xeer Ilaalinta oo awood u leh dhaqaajinta Dacwadda ay ka Codsadeen Maxkamadda in Eedeysanayaasha Xabsiga Dhexe lagu hayo Garsuge ahaan.

Baaritaan dheer kaddib, xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Codsday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda dhammadkii bishii August ee Sannadkan, waxa ayna Maxkamadda oggolaatay fadhigii koowaad isla xilligaasi.

In loo ciqaabo dambigii ay galeen Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow ayay codsadeen xafiiska Xeer Ilaalinta, madama ay Muqdisho ka abuurayeen weji cusub oo u baahan in ladabar gooyo.

Xeer Ilaaliye Maxamed Cabdullaahi Khaliif  ayaa u sheegay Garsoorka in Eedeysanayaasha ay xattaa ku handadi jireen dadka ay afduubtaan ee lacagaha ay ka qaadaan, in Gaariga ay ku xiran-yihiin walxaha Qarxa oo hadii ay dhaq-dhaqaaq sameeyeen ay ka dhaln karto in ay wada Qarxaan, taasi oo u sahli jirtay eedeysanayaasha in gabdhaha  ganacsatada  ah ay u kaxeystaan magaalada banaankeeda.

Qareennada u dooday ayaa Maxkamadda ka codsaday in laga qaado magdhow eedeysanayaasha oo ay tilmaameen dambiga ay galeen ay ku taliftay daruufo nololeed.

Fadhiyo dhowr ah kaddib, Maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay Kiiska Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow, waxayna ku xukuntay Maxkamadda Min 15-sanno oo xabsi Ciidan ah, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Hayeeshee xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo 30-cisho gudahood.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.