Rag doonayey iney iibsadaan gabar yar oo la qabtay

Waxay doonayeen iney gabadhan ku iibsadaan $500

Warar Keydmedia Online
Rag doonayey iney iibsadaan gabar yar oo la qabtay

Ciidamada Booliiska degmada Afgooye ayaa gacanta ku dhigay Labo Nin oo la sheegay in ay soo xadeen Gabar yar, xilli ay isku dayayeen in Degmada ay kala sii gudbaan.

Saraakiisha Booliiska Degmada Afgooye ayaa sheegay in gabadhan la weysanaa maalmahan oo dhan, balse nasiib wanaag la arkay xilli goob gaadiidka laga raaco ay Labadan la joogeen ayna doonayeen iney kala sii gudbaan gabadhan.

Arrinta kale ee yaabka leh ayaa ah in saraakiisha Booliiska ay sheegeen in Raggan markii ay xog wareysteen u sheegeen in ilmaha ay sidan oo kale u wataan, kadibna ku iibsadaan lacag dhan $500.

Sidoo kale, waxa ay sheegeen iney yihiin Shabakad (Koox) isku xiran oo ka shaqeysta ilamaha la xado, sidoo kalena saldhiggoodu uu yahay magaalada Jowhar.

Muddoyinkan oo dhan waxaa magaalada Muqdisho ka taagneyd hadal hayn ah, dadka qafaasha caruurta, kadibna iibsada, iyadoo laga ganacsanayo xubnahooda muhiimka ah ee jirkooda.

Raggan la qabtay ayaa baaritaan dheeraad ah lagu sameyn doonaa, si loo helo ragga kale ee ay wadashaqeystaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.