Rag Shabaabnimo lagu soo eedeeyay oo dil lagu xukumay

Rag ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa lagu xakumay dil toogasho, iyadoo mid kamida raggaasina xabsi daa'in lagu xakumay

Warar Keydmedia Online
Rag Shabaabnimo lagu soo eedeeyay oo dil lagu xukumay

GAROWE, Soomaaliya - Maxkamadda sare ee ciidamada dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntey 17 eedeysano oo dhammaantood ka tirsan ururuka Al-Shabaab halka mid kamida eedeysanayaasha maanta la maxkamadeeyay oo magaciisa lagu sheegay Cabdirisaaq Axmed Buraale lagu xukumey Xabsi daa'in.

Raga toogaashada lagu xukumey ayaa 5 kamid ahaa Horjoogayaashii ugu sarreeyay ee go'aamin jirey dilalka iyo qarxyada magaalada Galkacyo halka 12-ka kalena ay ahaayeen kuwii dilalka fulin jirey sida lagu eedeeyay.

Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland xukunkan gaartay maanta oo ay taariikhdu tahay 14-ka Juun sanadka 2021 iyadoo ay tahay markii ugu horreysay tiro intaan la eg oo Al-Shabaab ka tirsan lagu rido xukun dil toogasho ah goob qura.

Qaar kamida raggan lagu riday xukunka ayaa waxaa ku jira kuwa ay da'doodu kor u dhaaftay 50 sano waxaana iyaga iyo dhallinyarada kale ee ka tirsan kuwa xukunka toogashada lagu fuliyay ay u muuqdeen kuwa ka naxsan xukunka maanta.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.