Ragga Muqdisho oo loo kordhiyay mudada Garka looga rabo

Iyadoo Magaalada Muqdisho maalin walba ay ku dhimanayaan shacab aan waxba galabsan ayaa hadana waxaa xusid mudan mararka qaar in ay soo baxaan amaro cusub oo aan hore loo maqlin.
Warar Keydmedia Online
Ragga Muqdisho oo loo kordhiyay mudada Garka looga rabo

30 -casho ka hor ayaa maamul uu leeyahay ururka Xisbul islaam oo ka mid ah maamulada wajiyada badan ee gobalka Banaadir ayaa ku amray ragga ku nool gobalka Banaadir in ay garka Sii daayaan isla markaana shaaribka ay gaabiyaan.

kadib markii uu amarkaasi soo baxay ayaa dadka waxa ay ka bixiyeen fasiraado kale duwan oo ay ka mid aheyd in xoogaga Dowlada ka soo horjeeda ay talaabadaasi ku doonayaan in shacabka iyo iyaga ay isu ekaadaan isla markaana la kala sooci waayo ayna u suurta gasho in ay ku guuleestaan qorshayaal ay damacsanyihiin in ay ka fuliyaan goobo ka mid ah Deegaanada Dowlada iyo ciidamada shisheeye ku sugan yihiin.

Warsaxaafadeed uu maamulkaasi maanta soo saaray ayaa lagu sheegay in 20-casho lagu kordhiyay mudadii amarka isla markaa wixii ka danbeeyay 10 August ragga laga doonayo in lahaadaan Gar cidii aan gar mudadaasi ku deysana laga qaadi doono talaabo aanay fasiraad ka sii bixin.

www.keydmedia.net