Ra’iisul Wasaare Rooble oo Dhuusamareeb ka dagay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ‘Rogane’ ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Warar Keydmedia Online
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Dhuusamareeb ka dagay

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Rooble ‘Rogane’ iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta ka dagay Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Qoorqoor iyo madax kale ayaa Garoonka kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga uu hoggaaminayay.

Socdaalkan galabta Ra’iisul Wasaaraha ku gaaray Dhusamareeb ayaa ku saabsan inuu ka qeyb galo shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo la filayo inuu barri si rasmi ah u furmo.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo midka HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa kaga sii horeeyay Dhuusamareeb, Farmaajo ayaa la rajeynayaa inuu isna galabta gaaro, halka Dani iyo Madoobe ay barri tagayaan magaalada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.