Ra‘iisul Wasaaraha oo kormeeray Dekedda iyo Bangiga Dhexe

Muqdisho (KON) - Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta kormeeray koboc iyo horumarada dhaqaale ee Bankiga dhexe iyo Dekedda Muqdisho, waxaana kormeerkiisan ku wehliyay Wasiirada Maaliyadda, Howlaha guud, Arrimaha gudaha iyo Warfaafinta.
Warar Keydmedia Online
Ra‘iisul Wasaaraha oo kormeeray Dekedda iyo Bangiga Dhexe

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyntii kormeerkiisan ku tegay xarunta Bankiga dhexe ee Soomaaliyeed, halkaasoo uu kula kulmay madaxda Bankiga, isaga oo ka dhegeystay warbixin Maaliyadeedka dawladda iyo horumarka ay hiigsanayaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu kormeerkiisan soo gabagabeeyey warbaahinta u sheegay in ujeedada kormeerkani uu ahaa sanad kadib isbedelka dhaqaale iyo horumar ee ka jira illaha dhaqaalaha dawladda, wuxuuna xusay inay jirto isbedel iyo koboc dhaqaale oo aad u ballaaran.

“Waxaan si fiican ugu kuurgalay isbedelka dhaqaale iyo horumar ee ka jira Bankiga dhexe iyo Dekadda, waxayna ii sheegeen mas’uuliyiinta Dekadda in kororka dhaqaale ee Dekedda ee sanadkii hore iyo sanadkan uu yahay Boqolkiiba todobaatan iyo labo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada, isaga oo sidoo kalena xusay in dakhliga qeybo badan oo ka mid ah dekadda lagu sameeyey horumarin.

“Maadaama Dekada Muqdisho ay tahay isha ugu ballaaran ee dhaqaalaha ka soo galo dawladda, waxaan ku talo jirnaa inaan iskaashi la sameyno shirkad Turki ah, si ay u ballaariso, u casriyeyso isla markaana maalgelin xoogan ugu sameyso” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay Maareeyaha Dekada iyo kuxigeenadiisa.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa xusay in ahmiyadda koobaad ee dawladda ay tahay sugidda amniga, balse ay muhiimad gaar ah siinayaan bobcinta dakhliga dawladda iyo maalgashiga.