Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo La Kulmay Qaara Kamid Ah Haweenka

Muqdisho (KON)- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta kulan la qaatay qaar kamid ah Haweenka qurba joogta ee ku suggan magaalada Muqdisho, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku aadan cabashooyin ay haweenka u gudbiyeen Ra'iisul Wasaaraha.
Warar Keydmedia Online
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo La Kulmay Qaara Kamid Ah Haweenka

Haweenka kulanka la qaatay Ra'iisul Wasaare Saacid ayaa u badnaa haween kamid dhanka qurbaha, waxayna Ra'iisul wasaaraha ka dalbadeen maadaama tiradii ay xildhibaanada kulahaayeen ay waayeen hadda uu Ra'iisul wasaaraha xubno fiican ka siiyo Xukuumada uu soo dhisi doono.

Siihaya Afhayeenka Xukuumada Cabdi Xaaji Gobdoon oo warbaahinta uga warbixiyay Kulanka Ra'iisul wasaaraha iyo Haweenka ayaa waxaa uu sheegay in Ra'iisul wasaaraha uu haweenka u ballan qaaday sidii uu u dabooli lahaa cabshooyinka ay qabaan ee dhanka Xukuumada ah.

Waa kulankii ugu horeeyay oo uu Cabdi Faarax Shirdoon Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya uu la qaato qaar kamid ah Haweenka.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho